Saraakiil Kenyan ah oo ku Geeriyooday Shil Diyaaradeed

Jun 15, 2025

Ugu yaraan laba sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Kenya ee KDF ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Kwale ee dalka Kenya.

War rasmi ah oo uu bixiyay Guddoomiyaha Gobolka Kwale, ninka lagu magacaabo Stephen Orinde, ayaa xaqiijiyay in labada sarkaal ay ku dhinteen shilkaasi xilli ay ku jireen duullimaad aan la sheegin meesha uu u socday. Iyadoo wararka kalena sheegayaan in khasaaruhu intaasi ka badan yahay.

Ciidanka milateriga KDF oo dhacdadan si rasmi ah u xaqiijiyay, ayaa sheegay in diyaaraddan oo nooceedu ahaa Grob 120A oo uu lahaa Ciidanka Cirka ay la kulantay xaalad degdeg ah xilli ay ka duushay magaalada Mombasa.

Baraha bulshada ayaa lagu arkayay Dadweyne badan oo isugu soo baxay goobta shilka, iyada oo kooxaha gurmadka degdega ah ay gaareen si ay uga qaybqaataan howlaha raadinta dadkii wax ku gaareen diyaaradaas.