Saraakiil ka Tirsan Ridada oo Qirey in Mujaahidiintu ay Afka Ciidda u Dareen Maleeshiyaadka Gurguurte.

Aug 22, 2025

Howlagalladii aadka u ballaarnaa ee bilihii lasoo dhaafay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanno ka tirsan wilaayaadka Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa niyad jab iyo haziimo dhan walba ah ku beeray madaxya weynta murtadiinta.

Qaar ka tirsan saraakiishii ugu sarreysay ee hoggaaminayay xamladii ashahaadda ladirirka ee Xasan Gurguurte uu ku iclaamiyay mujaahidiinta bartamihii sannaddii 2022-kii ayaa qiray in dagaallada socda dhankooda looga adkaaday.

Xaadoole oo ka tirsan xildhibaannada golaha dawaaqiidda ahna sarkaal hoggaaminayay maleeshiyaad murtadiin ah ayaa wasiirka gaashaandhigga kooxda Ridada ka hor sheegay in maleeshiyada difaacyada uga jira duleedka degmada Cadale ay marwalba halis ugu jiraan weeraro cagmarin ah oo uga yimaad dhanka mujaahidiinta.

Wuxuu qiray in dhankooda ay wadnaha farta ku hayaan ayna ka baqayaan in mujaahidiintu qaadaan weeraro cagmarin ah oo murtadiinta looga saarayo deegaannada fara ku tiriska ah ee ay uga harsanyihiin Sh/dhexe.

Dhinaca kale Cali Jeyte oo ka mid ahaa saraakiishii murtadiinta ee hoggaaminaysay xamladii ashahaadda ladirirka ee gaaladu kusoo qaadeen bariga wilaayada Islaamiga Hiiraan ayaa isagana qiray in mujaahidiintu ay jebiyeen ciidankiisii.

Isagoo saraakiil xabashi iyo murtadiin jabuutiyaan ah kula hadlayay magaalada Beledweyne ayuu ku hadaaqay in dagaalladii ka dhacay bariga Hiiraan looga soo reebtay meydad farabadan islamarkaana mujaahidiintu ay soo qaadeen weeraro si heer sare ah loo soo qorsheeyey.

Cali Jeyte ayaa intii uu hadlayay maleeshiyaad hareertiisa fadhiyay ku yiri “war ma qaadnaa dagaal ka dhan ah Al Shabaab” basle wax ujawaabo ayuu waayay markaas ayuu ku cataabay in murtadiintu ay daallanyihiin oo xilligan aysan diyaar u aheyn dagaal.

Futuxaadkii ugu dambeeyay ee mujaahidiintu ay ka sameeyeen bariga Hiiraan sida dib u xoreyntii degmooyinka Moqokori iyo Maxaas ayaa xaalad quus ah gelisay saraakiisha iyo maleeshiyaadka dabadhilifyada u ah saliibiyiinta xabashida Itoobiya.