Saraakiishan oo lagu sheegay in ay ka tirsan yihiin Ciidanka Booliska iyo kuwa Milateriga Itoobiya ayaan wali la xaqiijin sababta ka dambeysa safarkoodan balse warar ayaa xusaya in safarkani la xiriiro mashaqadii Dacawaleey ee Ciidanka Itoobiya ku xasuuqeen dadka shacabka ah.
Saraakiisha u sarreysa ciidanka maamulka Somaliland ayaa kaga hortagey saraakiishan Itoobiyaanka ah magaalada Wajaale ee ‘xuduudku’ maro, waftiga ayaa la sheegay in ay shir kula galeen Guddoomiya Gabiley iyo xubno kale magaalada Gabiley.
Waftigan ayaa ku soo beegmaya xilli wararka qaar tibaaxayaan in Cabdiraxmaan-Cirro uu safar ku tagayo dalka Jabbuuti.