Tan iyo markii uu billowday dagaalka Suudaan sanadii 2023, waxaa shaki badan laga keenayay howlaha uu qabto saldhiga dowlada Imaaraatka Carabta ay ku leedahay magaalada Boosaaso ee bariga Soomaaliya.
Warbixin ay sida wadajir ah uqoreen wargeyska The Guardian ee Ingiriiska kasoo baxa iyo warbaahin Kolombiyaan ah oo lagu magacaabo La Silla Vacía, ayaa lagu sheegay in ay xaruntaasi noqotay hooyga murtazqada uu Imaaraatku kasoo kireestay daafaha caalamka ee ka qeyb qaadaanaya dagaallada uu gobolka ka hurinayo, si gaar ah colaada Suudaan.
Boqolaal murtazaqo ah oo inta badan laga soo kireeyay qaarada Laatiin Ameerika ayaa maleeshiyaatka Dacmu Sariic ku garab siinaya dagaalka ay ku jiraan milatariga dalkaasi.
Wariyaasha qoray warbixinta ayaa waraysi la yeeshay mid kamid ah calooshood ushaqeesytayaashaas, waxa uuna sheegay in safarkiisu uu ka bilowday magaalada Bogotá ee dalka Kolombiya, halkaas oo uu ku saxiixay qandaraas uu bishii ku qaadanayo $2,600. Kaddib waxaa la geeyay Itoobiya, tallaabada xigta ayuuna sheegay in lagu keenay saldhig Imaaraadku leeyahay oo ku yaalla Boosaaso, ka hor inta aan loo gudbin magaalada Nyaala ee Suudaan.
Saldhiga Imaaraatka ee Boosaaso ayaa ah talis iyo xarun laga hago howlgaallada ay xukumada Abuu Dubay ka wado gobolka, waxa ayna hadda soo gabagabaynaysaa saldhig kan ka weyn oo ay ka dhistay magaallada Bar-Bara ee waqooyiga Soomaaliya, kaas oo sida warbixinada qaar ay sheegayaan dhismihiisu ku lugleeyihiin Maraykanka iyo Yahuuda.