Sahaayinada oo Wali ka Qeyla Dhaaminaya Awooda Muqaawamada Filistiin.

Feb 5, 2025

Sahaayinada ayaa wali ka qeyla dhaaminaya awooda ciidan ee ay soo bandhigeen kooxxaha muqaawamada Filistiin tan iyo xabad joojintii dhacday.

Sida uu daabacay joornaalka cibriga ah ee Macaariif isagoo soo xiganaya Moshe Vozilov oo ah sarkaal hore oo ka tirsanaa hay’ada Shaabaak, in cududa kooxaha Filistiin ay maanta tahay mid ka weyn filashadii la qabay 15 bilood kadib, maadaama ay kaamirooyinka kasoo hor muuqdeen iyagoo u hubeysan si qiyaasta ka fog soona bandhigay awood ciidan oo aanan la dhayelsan karin.

Sarkaalkan hore ayaa ku baaqaya in hadii la doonayo in laga adkaado kooxaha muqaawamada Filistiin ay hobaanotahay iney dajiyaan qorshayaal hore, sida in marka hore Qaza laga saaro shacabka oo idil si iyaga kaliya loo ugaarsado ama in hawada loo mariyo hanjabaado culculus, waana kuwa dabcan hore cadwgu uu ugu fashilmay talaabooyinkan.

Waxa uu sidoo kale Moshe Vozilov tibaaxaya in warbaahinta lagu nashriyey xogo sheegaya in laga adkaaday Muqaawamada balse midaas ay tahay been abuur cad, iyo in la isku dayayo in laga fogaado xaqiiqada jirta ee ah in la loodin waayey ragan.

Si kastaba hanoqotee sahaayinada waxaa qalbigooda ka go’I la’a wixii halaag ahaa ee ku habsady 15 bilood ee ay dagaalka kaga jireen Qaza, iyo sida ay caalamka ugu hor waji gabxeen maadaama wixii cudud iyo caqli ay hayeen ay soo bandhigeen basle midaas ay wax u tari wayday iyagoona ku qasbanaadeen iney qidaaca ka baxaan iyagoo madaxa foorarinayo.

FAAFREEB PRO