Xaaladda bini’aadantinimo ee Marinka Qaza ayaa si xowli ah u sii xumaaneysa, iyadoo weerarro isdaba joog ah oo ay fuliyeen ciidamada Yahuudda ay si gaar ah u beegsanayaan shacabka rayidka ah ee quut raadiska ah.
Weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Koonfurta Khan Younis ayaa ahaa mid si weyn u gilgilay dareenka bani’aadantinimo, iyadoo lagu dilay dad aan waxba galabsan oo sugayay kaalmo naf-badbaadineed.
Waxaa sare u kacay tirada dadka ku dhintay weerar bahalnimo ah oo ay ciidamada Yahuudda ku beegsadeen dad shacab ah oo sugayey kaalmo bini’aadantinimo oo ku sugnaa Koonfurta magaalada Khan Younis ee Qaza, iyadoo hadda la xaqiijiyay in 25 qof ay ku dhinteen weerarkaas.
Weerarka oo ka dhacay wadada al-Tina, ayaa sida ay wararku sheegayaan, waxa uu haleelay kumannaan Falastiiniyiin ah oo halkaas isugu tegay si ay u helaan gargaar bini’aadantinimo.
Maamulka Sahaayida ayaa si ula kac ah u xiray marinadii laga heli lahaa gargaarka, isagoo hor istaagay in dadkaasi helaan cunto, biyo, iyo dawo.
War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa dhankooda lagu sheegay in Yahuuddu ay amartay barakicinta dad hor leh oo ku nool Waqooyiga Qaza, taas oo si weyn u sii kordhisay tirada dadka barakacayaasha ah ee durba wajahaya xaalad nololeed oo adag.
Sidoo kale warbixinta waxaa lagu xusay in carruur iyo dad waaweyn oo nafaqo-xumo daran la ildaran ay ku go’doonsan yihiin isbitaallo aan lahayn dawo, agab caafimaad, iyo koronto.
Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu xusay in gargaarka la doonayo in la gaarsiiyo gudaha Qaza uu aad u xaddidan yahay, iyadoo 7 kaliya laga oggolaaday 13 isku day oo lagu doonayay in lagu geeyo gargaar.
Marinka Qaza wuxuu wajahayaa xaalad bini’aadantinimo oo aad u halis ah, iyadoo shacabka ay si joogto ah ula kulmayaan gaajo, daawo la’aan iyo xasuuq maalinle ah, iyada oo maamulka Kayaanka Yahuudda uu si ula kac ah u adkaynaya xannibaadaha, taasoo keentay in malaayiin Falastiiniyiin ah ay ku noolaadaan xaalado adag.
FAAFREEB PRO