Sahaayinada oo Jabsaday Boqolaal WhatsApp ah oo Leeyihiin Wariyaal Fara Badan.

Feb 2, 2025

Markan iyo qodobka xiga xubinta, sida ay daabeceen joornaalo dhaowr ah oo uu kujiro The Times of Israel waxaa lagu waramayaa in shirkado basaas oo ay leeyihiin maamulka gumeystaha yuhuuda ay jabsadeen boqolaal WhatsApp oo ay yeeyihiin shaqsiyaad caan ah.

Sida ay shaacisay jariiradu waxaa falkan lagu soo eedeeyey shirkada basaaska yuhuuda ee lagu magacaabo Israel Paragon Solutions, waxaana falkan kusoo cadeeyey qaar badan oo kamid ah shaqaalaha shirkada Meta oo uu hoostago Appka WhatsApp.

Dadka la jabsaday WhatsApp Number-radooda waxaa kamid ah boqolaal suxufiyiin ah oo ku kala sugan daafaha caalamka, lamana shaacin inta ay la egtahaya xogta ay shirkadan basaaska ah kala baxday inta shaqsi ee ay u dhacday WhatsApp-kooda.

Waxay shirkada Meta ay sheegtay in ujeedka maamulka yuhuuda ay ahayd iney beegsadaan ku dhawaad ilaa 90 qof oo ay u arkeen muhiim kana dambacsanaayeen dano gaar ah, waxayna shaqaalaha WhatsApp qariyeen halka ay ku suganyihiin inta shaqsi ee la jabsaday akoonada ay ku leeyihiin aaladan.

Sahaayinada ayaa waayahan isku dayeysa iney qaab technology ahaan ah u weerarto shaqsiyaadka ay dooneyso xogohooda balse masaafo ahaan ka durugsan, waxaana sanadkii tagay yuhuuda dhankooda soo gaaray dhowr weerar oo Cyper Attack ah oo uga yimid dhicana dowladdaha Shiinaha iyo Iran.

FAAFREEB PRO