Suleiman Dedefo oo ah safiirka dawladda saliibiyadda ah ee Itoobiya u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa si adag u weeraray ururka Jaamacadda Carabta iyo weliba dawladda Masar oo si weyn uga soo hor-jeedda biyo-xireenka ay Itoobiya ka samaysatay webiga Niil.
Waxa uu tilmaamtay in Jaamacadda Carabtu ay shaqo ka dhigatay fulinta siyaasadda Masar ee ka dhanka ah Itoobiya, iyadoo iska hilmaamtay ayuu yiri inay wax u qabtaan shucuubta Carbeed ee la il-daran macaluusha, barakaca iyo xasillooni-darrada.
Ururka Riddada ee Jaamacadda Carabta ayuu gaalkani ku tilmaamay mid u adeega danaha Masar oo kaliya isla markaana ku fashilmay metelaadda dalalka kale ee Carbeed. Waxaanu wax lala yaabo ku tilmaamay hanjabaad ka dhan ah Itoobiya oo uu sheegay inuu kasoo yeeray Jaamacadda Carabta.
Ururka Jaamacadda Carabta oo marar dhowr ah ku cel-celiyay in aan laga faa’iidaysan karin biyo-xireenka Al-Nahda ilaa inta heshiis buuxa laga gaarayo, ayuu safiirku si cad u sheegay in haba yaraatee aanay jirin siyaasad lagu wadaagi karo wax uu ku sheegay hantida biyaha Itoobiya.
“Ma jirto cid Itoobiya ay uga baahantahay fasax, si ay biyahaheeda uga faa’iidaysato, sheekada ah in masiirka Masar gebi ahaan ku dhisan yahay biyaha Niil-kuna waa sheeko madhan oo meelna aan ka jirin…” ayuu yiri safiirka Itoobiya Suleiman Dedefo.
Safiirku waxa uu sidoo kalena ka sanqariyey in dawladda Itoobiya ay weli ku hawlan tahay qorshaynta sidii ay u dhisi lahayd biyo-xireenno kale, taasoo uu ku sifeeyey ajande-qaran oo xaqiiq ah oo loo baahan yahay ayuu yiri in dawladda Masar ay si dhab ah u abqasho.
Hanjabaaddan kasoo yeertay safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho, ayaa kusoo aadaysa iyadoo maanta oo Talaada ah munaasibad ballaaran oo ka qabsoontay Addis Ababa si rasmiya xariga looga jaray biyo-xireenkan, kaas oo si weyn ay uga soo horjeedaan dowladaha Masar iyo Suudaan.
Biyo-xireenka Al-Nahda ayaa dhismihiisu uu socday ku dhawaad 14 sano, waxaana daah-furkiisa kasoo qayb-galay dawlado badan oo ka kala socda Afrika iyo qaaradaha kale, iyadoo daba-dhilifyada lagu casuumay ee kasoo muuqday madashaasi uu ka mid yahay Murtad Gurguurte oo ah madaxa Kooxda Riddada Soomaaliya.