Safiirka Ingiriiska oo Lagu Eedeeyay in uu Gurguurte Kala Saftay Axmad Madoobe iyo Siciid Dani.

Nov 23, 2024

Maamul goboleedyada ashahaada la dirirka ee Puntland iyo Jubbaland ayaa cabasha ka dhan safiirka dowladda saliibiga ah ingiriiska u jooga Somalia u diray xukuumadda Landhan.

Khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan madaxda kooxda Ridada iyo kuwa maamul goboleedyada oo bilooyinkii lasoo dhaafay kasii darayay ayaa markan xuduudaha ka tallaabay, maamullada Riddada ah ee lagu kala magacaabo Puntland iyo Jubbaland ayaa diray warqad cabasho ah oo ay eedaymo ugu jeedinayaan safiirka Iniriiska u fadhiya Somalia.

Warqad wadajir ah oo siyaasiyiinta u shaqeeya labadaasi maamul ay u qoreen Xoghaya ama wasiirka arimaha dibadda dowlada Saliibiga ee ingiriiska ninka lagu magacaabo David Lammy ayay ku muujiyeen walaaca ay ka qabaan waxay ugu yeereen eexda dowladda Ingiriiska ee arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay siyaasiyiinta labadaan maamul ee ashahaada la dirirka ah ayaa lagu dhaleeceeyay safiirka Ingiriiska u fadhiya Xalane, gaalka lagu magacaabo Michael Nithavrianakis, waxay si gaar ah ugu soo jeediyeen eedda ah in uu madaxa kooxda Riddada, Xasan Sheekh Maxamuud u oggolaaday inuu hadallo siyaasadeysan ka jeediyo, xilli uu ku jiray xafladii lagu bahdilay Gurguurte ee loogu dabaal-degayay dhalashada Boqorka ingiriiska.

Madaxweynaha kooxda Ridada murtad Xassan sheikh ayaa la sheegay in uu ku booriyay dawladda ingiriiska in ay tallaabo ka qaaddo wuxuu ugu yeeray “qaswadayaasha” siyaasadda, ereygaas oo ay maamul goboleedyada ka tirsan dowlada ridada u fasirteen in uu ula jeedo hoggaamiyeyaasha mamulada Riddada Jubbaland iyo Puntland.

Warqadda loo diray dowladda kaafiradda Ingiriiska ee ka dhanka ah safiirkeeda Soomaaliya, ayaa kusoo beegmaya xilli khilaafka ka dhex aloosan dowladda Riddada iyo maamul goboleedyada dacwadda diray uu sii xoogeystay, labadan maamul goboleed ayaa si aad ah u diidan siyaasada madaxda kooxda Riddada Somalia.