Safiir Hore oo Shaaciyey Damaca Ciidaanka Yahuudda ee Soomaaliya.

Jul 12, 2025

Caadif Saalim oo ahaa safiirkii hore ee Masar u fadhiyay Yahuudda ayaa daboolka ka qaaday in maamulka Sahaayuuniyadu uu ku hawlan yahay sidii uu saldhig milatari uga samaysan lahaa Soomaaliya, arrintaas oo uu ku tilmaamay khatar weyn oo kusoo waajahan geeska Afrika.

Waxa uu sheegay Murtadkani in maamulka Sahaayuuniyadu uu adeegsanayo xeelado ku dhisan xoog iyo cabsi-gelin, isagoo doonaya ayuu yiri in gebi ahaanba uu tirtirto qaddiyadda reer Falastiin, taas oo haddii aan laga hor-tegin ayuu yiri ay xaaladdu kasii xumaan doonto sida ay haatan tahay.

Caadif Saalim ayaa sidoo kale caddeeyay in uu Maraykanku uu isku dayayo inuu Itoobiya ka dhigo quwadda gobolka ee Geeska Afrika, Yahuuddana uu ka dhigo tan Bariga Dhexe, waxaanu ku nuuxnuuxsaday in dedaalka Sahaayuuniyada ee ah inay saldhig ku yeelato Soomaaliya ay tahay arrin aad u khatar badan.

Hadalladan ayuu safiirku ka jeediyey dood-cilmiyeed bille ah oo ay soo qabanqaabisay Guddiga Arrimaha Carabta iyo Dibadda ee Ururka Saxafiyiinta ee dalka Masar, taasoo ciwaankeedu ahaa: “Saamaynta Iska hor-imaadyada Gobolku ku leeyihiin Mustaqbalka Bariga Dhexe.”

Digniintan ka soo yeertay safiirkan ayaa imaanaysa xilli muddooyinkan dambe ay si weyn isu soo tarayeen wararka sheegaya in maamulka Yahuuddu uu ku hawlan yahay wada-hadallo ku saabsan sidii uu saldhig milatari uga dhisan lahaa deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Somaliland, iyadoo dhinaca kalena saldhigga imaaradku ka sameytay magaalad Boosaaso ee dhawaan lagu rakibay Raadaarrada ay Yahuudduna qayb ka deggen yihiin, sida wararka qaarkood ay tibaaxayaan.