Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa soo saartay digniin amni oo ku socota muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Itoobiya, iyada oo ka digtay xaalad amni oo isbedbeddel ah oo si kedis ah uga dhici karta meelo badan.
Digniinta oo la soo saaray 25-ka Abriil 2025 oo ku beegneed malintii shalay, ayaa muwaadiniinta Mareykanka ku boorrisay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, ka fogaadaan isu-soo-baxyada waaweyn, isla markaana ka taxaddaraan marka ay joogaan goobaha dadku isugu yimaadaan.
Digniintan ayaa timid iyadoo ay Dalka Itoobiya ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo rabshado soo socday mudo dhowr sano ah kuwaas oo ka dhacayay gobollo badan, gaar ahaan deegaanka Oromada iyo amxaarada halkaas oo safaaraddu horey uga digtay in loo safro sababo la xiriira khataro amni, afduub iyo qalalaase halkaas ka dhici kara. Safaaradda ayaa sheegtay in khataraha amni ay u qarxi karaan si lama filaan ah, ayna saameyn karaan goobaha ay aadka u booqdaan ajaanibta iyo shaqaalaha dowladda.
Digniintan ayaa kusoo aaday iyadoo Dagaallo iyo iska horimaadyo culus ay toddobaadyadii u dambeeyay ka dhacayeen gobollo badan oo Itoobiya ka tirsan, gaar ahaan deegaanka Oromia iyo gobolka Amxaarada, halkaas oo kooxaha hubeysan ee mucaaradka ahi ay dagaallo culus kula jiraan ciidamada dowladda saliibiyada itoobiya . Waxaa jira cabsi xooggan oo laga qabo in rabshadahan ay ku fidaan caasimadda Addis Ababa iyo magaalooyin kale oo waaweyn.
FAAFREEB PRO