Sacuudiga oo Abaabulaya Isbahaysi ka Dhan ah Dhaqdhqaaqqa Yahuudda ee Geeska Afrika.

Jan 17, 2026

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa la sheegay in ay waddo abaabulka isbahaysi cusub oo millateri oo ay doonayso in ay la yeelato maamullada daba-dhilifyada ah ee Soomaaliya iyo Masar.

Ol’olahan ayuu Sacuudigu bilaabay kadib markii maamulka Sahaayinada Yahuuddu ay dal madax-banaan u aqoonsadeen maamulka ashahaado-la-dirirka ah ee Somailland.

Madaxa kooxda Ridada Somaliya Xasan Gurguurte ayaa la filayaa inuu booqdo Sacuudiga si uu u dhameystiro heshiiskaasi, sida uu sheegay Bloomberg oo ah wargeysa kasoo baxay Maraykanka.

Isbahaysigan millateri ayaa ujeedkiisa lagu sheegay xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee amniga Badda Cas.

Tallaabadan ayaa daba socota go’aankii kooxda Ridada Soomaaliya ay ku laashay heshiisyadii ay kula jirtay Imaaraadka Carabta, iyo sidoo kale diidmada xooggan ee laga muujiyey aqoonsiga Yahuudda ee maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland.