Ruux Soomaali ah oo ku Dhintay Shil Gaari oo ka Dhacay Dalka koonfur Africa.

Sep 21, 2025

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in shil gaari oo ka dhacay gudaha waddankaasi ay ku geeriyootay qof dumar ah oo kasoo jeeda Soomaaliya.

Haweenaydan oo ahayd hooyo haysata caruur ayaa magaceeda lagu sheegay Safiyo Cabdinaasir, saacadihii lasoo dhaafay ayuuna gaari ku jiiray Xaafad ay Soomaalidu ku badan tahay oo lagu magacaabo Korsten ee ka tirsan magalada port Elizabet.

Ilo wareedyo ku sugan gudaha Koonfur Africa, ayaa soo sheegay in hooyadan Soomaaliyeed uu jiiray gaari nooca Soomaalidu u taqaan Caasi, xili ay rabtay inay waddo goyso.

Wararku waxay intaas ku darayaan in maydkeeda la dhigay mid ka mid ah cisbitaalada kuyaal magalada port elizabeth ee Koonfur Afrika, waxayna ku biiraysaa tiro dad Soomaaliyeed ah oo dalkaasi ugu dhintay shilal baabuur.