Sida uu baahiyey joornaalka Newsweek, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuusan wax tanaasul ah u sameyn doonin Ukraine, taa beddelkeeda uu sii wadi doono dagaalka haddii aan la fulin dalabaadkooda oo ay ku jiraan dammaanad qaadka amni ee muddo dheer qaata.
Wuxa uu sidoo kale diidday qorshe kasta oo Ukraine lagu keeni karo ciidamo nabad ilaalin ah, ballaarinta isbahaysiga NATO iyo in laga hadlo arrimaha la xiriira dhulka uu Ruushka ka qabsaday Ukraine, hadii midaas ay dhacdana waxa uu Putin markale ku hanjabay iney xiisadu halkeeda kasii socon doonto.
Wargeysku waxa uu sidoo kale sheegayaa in tanaasul la’aanta xukuumada Moscow ay dhaawac xoogan u geysan doonto waan waantii danaha ku dhisneyd ee uu waday Mareykanka, waxaana suuragal ah in dhinacyadu waa Mareykanka iyo Ruushkee ay halkoodii ku kala laabtaan marka laga hadlayo wada xaajoodyadii ay wadeen waayahan dambe.
FAAFREEB PRO