Ruushka oo Shaqada ka Ceyriyey Sarkaalkii Heystay Ciidanka Suuriya.

Dec 2, 2024

Sida uu daabacay joornaalka Al-Nahaar Ruushka ayaa shaqada ka eryey sarkaalkii heystay ciidankiisa ku sugnaa gudaha Suuriya kadib markii ay Xalab la wareegeen koxaaha mucaaradka, ayna soo duubeen muuqaalo bahdil ku ah nidaamka Al-Asad iyo askarta Ruushka ee ku sugan gudaha Suuriya.

Ninka xilka laga qaaday ayaa lagu magacaabaa Sergei Kisel waana 53 jir asal ahaan Raashiyaan ah, Dhanka kale sida ay tibaaxayaan xogo lasoo dusiyey Ruushka ayaa hadda isbedello aan la shaacin ku sameeyay darajooyinka ciidamada, General Alexander Chiku ayaana lagu wadaa inuu badali doono Sergei Kisel.

Mucaaradka Suuriya ayaa wali wada isfidintiisa, waxayna marwalba mareegaha kala duwan ee Internet-ka soo galinayaan muuqaalo muujinaya xaaladu halka ay mareyso, halka dhanka kale Ruushka diyaaradihiisa ay fulinayaan duqeymo xoogan oo ay hada qaarkood ku waxyeeloobeen dad rayid ah.

FAAFREEB PRO