Ruushka oo Heshiis Malaayiin Dollar ah la Galayo Nidaamka Curudunka ah ee Suuriya.

Mar 8, 2025

Sida ay baahisay majalada Wall Street Journal, xukuumada Moscow ayaa dooneysa in nidaamka Suuriya ay la gasho heshiis ku kacaya boqolaal milyan oo dollar si ay ugu sii sugnaato gudaha wadankaas una sii shaqeeyaan saldhigyada ay ku leedahay halkaasi.

Heshiiska uu soo bandhigayo Ruushka waxaa ku jira dhismaha dekedda Tartus, horumarinta ceelasha gaaska ee xeebaha Suuriya ,dhismaha warshada bacriminta ee magaalada Ximis iyo mashaariic kale oo horumarineed.

Midan dabacan sida muuqata waxay kusoo beegantay xilli Binyamin Natanyaahu uu si aad ah u doonayo in Ruushka uu kusii sugnaado gudaha Suuriya kuna sii dhax xidideysto maadaama Talaabiib ay diidantahay in Ankara ay saldhigyo ka dhisato gudaha dalka Suuriya.

FAAFREEB PRO