Ruushka oo Heegan Ugu Jira Dagaal uu Lagalo NATO iyo Reer Yurub.

Dec 18, 2024

Ruushka ayaa shaaciyey iney heegan u galayaan hada dagaal ay la galaan NATO iyo reer yurub oo dhan, baaqna u diray dhamaan ciidamada furimaha ku jira.

Sida uu daabacay joornaalka Politico wasiirka difaaca Ruushka Andrei Belousov ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya ay ku tala jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen NATO iyo reer yurub oo idil, dhanka kalana ay u dhameystiri lahaayeen dagaalka ay kula jiraan Ukrain.

“Wasaaradda Difaaca Ruushka waa inay diyaar u ahaato dhacdooyinka soo aadan oo idil, oo ay ku jiraan isku dhac militari oo suurtagal ah oo lala galo NATO iyo reer Yurub oo idil tobanka sano ee soo aadan”. Ayuu yiri waiirka difaaca Ruushka.

Dhanka kale waxay midan kusoo aaday ayaa la dhihi karaa xilli gaashaan buurta NATO ay dhankeeda saacadihii lasoo dhaafay ay gashay heegan buuxa, kaddib markii diyaaradaha Ruushka ee bambooyinka qaada nuuca Tu-22 oo ay dhinac socdeen labo diyaaradood oo Su-27 ay ku dhawaadeen inay gudaha u galaan hawada dalalka Finland iyo Sweden, taa oo keentay in diyaaradaha dagaalka ee Labada wadan ay ka hortagaan u jeedka Ruushka iyo inuu kasoo gudbo hawada caalamiga ah.

FAAFREEB PRO