Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya aya sheegaya in roobab mahiigan ah oo ay weheliyaan daadad iyo dabaylo xooggan ay ka da’een degmada Wag Hemra ee gobolka Amxaarada, kuwaasi oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.
Roobabkan oo socday muddo maalmo ah ayaa sababay dhimashada hal qof, halka ay ku burbureen ku dhawaad 849 hiktar oo beeraha ah, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin iyo beeraleyda deegaanka.
Madaxa xafiiska beeraha ee degmada Tsagbji ayaa sheegay in roobabku burbur baahsan u geysteen afar xaafadood. Intaa waxaa dheer, daadadku waxay burburiyeen ku dhawaad 20 guri, sidoo kale waxaay la tageen sideed neef oo ari ah iyo sagaal dibi ah.
Dadka deegaanka ayaa codsanaya gargaar degdeg ah, maadaama degmada ay horeyba u la daala-dhacaysay abaaro iyo dhul-go’yo si daran u saameeyay nolosha bulshada.
FAAFREEB PRO