Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya roobab daadad watay oo ku da’ay deegaanno katirsan gobollada waqooyi galbeed ee dalka Soomaaliya waxaana roobabkani ay geysteen dhimasho iyo burbur hantiyadeed.
Wararka ka imaanaya magaalada Hareysa ayaa sheegaya in roobab watay daadad ay ka da’een intabadan xaafadaha magaalada, ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay daadad ku butaacay degmada Maxamuud Heybe ee magaalada Hargeysa.
Dadka dhintay oo saarnaa gaari Qooqan ah ayey biyaha roobka oo si xowlli ku socday waxay ka qaadeen agagaarka togga Bootaan, dad farabadan ayaa isugusoo baxay agagaarka iskuulka Maxamuud Axmed Cali waxayna baadi goob ugu jireen sidii ay usoo heli lahaayeen raq iyo ruux labada qof ee ay daadku qaadeen.
Dad goob joogayaal ah ayaa warbahinta usheegay in dadka dhintay ay dhowaan ka yimideen dalka dibaddiisa balse si lama filaan ah ugu dhinteen daadadka ku butaacay magaalada Hargeysa.
Sanad walba tobanaan qof ayaa daadad ugu dhintay gobollada waqooyi galbeed soomaaliya sababa laxiriira iyagoo ku safra ama dega biya mareennada togagga, waxgaradka iyo dadka dhul yaqaanka ah ayaa dadka ugu baaqay in ay ka fogaadaan togagga iyo biya mareennada waqtiyada ay soo dhowyihiin xilli roobaadka Guga iyo Deyrta.
FAAFREEB PRO