Reer yurub ayaa ka baqanayaa iney waayaan macdanada qaaliga ah ee ku jira dhulka Ukrain hadii mar dagaalka ka dhax oloolsan Kiyev iyo Moscow uu libinta sare yeesho Ruushka.
Sida uu daabacay joornaalka The Guardian, dhulka bari ee Ukrain ayaa hodan ku ah macdanta ceyriinka ah, wadamada reer yurub ayaana la aaminsanyahay in garab istaagooda Ukrian kaliya uusan ahayn mid hiilo ee uu damac ku lamaanan yahay.
Hadii mar dagaalka socda u uku guuleysto Ruushka ayaana laga baqanayaa in wax walba ay gacanta u galaan xukuumada Vladamir Putin, sidaasina uu reer galbeed oo idil ku waayo damiciisii dhulka Ukrain, Shiinaha iyo wadamo kale oo dhaca gobolka ayaana hada Ruushka ku garab taagan raadinta iyo sahminta goobaha ay ku jiraan biraha macdanta ceyriinka ah ee Ukrain.
Waxa hada soo laba kiciyey cabsidan ka timid dhanka reer galbeedka ayaa ah siyaasada kala guurka ah ee Mareykanka, xilli dadku miisaska siyaasada lagu saadaalinayo in Donald Trump uu soo afmeero dagaalka socda, uuna u garab raacin doono dhamaan dalabaadka kasoo yeeri doona ninka saaxiibtinimadiisa lagu xanto ee Vladamir Putin.
FAAFREEB PRO