Sida uu ku waramayo wargeyska Politico, waddamada Yurub ayaa maalmihii lasoo dhaafay oo idil Ukraine usoo bandhigaya heshiis ka wanaagsan midka Mareykanka si ay u helaan macdanta Ukraine ee kala duwan.
Guddoomiyaha Yurub ee Istaraatiijiyadda Warshadaha Stéphane Séjourné, oo ay jariiradu soo xiganeyso ayaa sheegay in heshiisyada dalalka galbeedka ay usoo bandhigayaan Ukrain ay yihiin kuwa Labada dhinac faa’ido u leh si ka duwan Mareykanka oo doonaya in kaligiis uu daabusho macdanta Ukraina uu siiyo lacag jaan go’an.
Waxaa hadda muuqata in damaca reer yurub ee dhulka Ukrain in uu soo laba kacleeyey, wadamada galbeedkuna ay isku dayayaan iney ka hortagaan hamiga Trump ee dhulkan, waliba iyadoo ay waqti xaadirkaan xusid mudantahay in inta badan reer yurub ay ka careysanyihiin wada xaajoodyada Mareykanka uu ku doonayo inuu kusoo afmeero colaada Kyev iyo Moscow maadaama ay ku waayeen hanti fara badan suuragalna aysan ula muuqan in si sahlan lagu soo afjaro wax walba oo socda.
FAAFREEB PRO