Walaalaha Muslimiinta ee Filistiin ayaa umada Muslimka ah meel kasta oo ay joogaan ka codsaday inay caawa usoo duceeyaan, si Allaah (SWT) uu uga dulqaado dhibaatadda iyo dulmiga kaga imaanaysa maamulka Sahaayinada Yahuudda, oo weli sii wada xasuuqa iyo gaajaysiinta ay u geysanayaan walaalaheena reer Filistiin.
Muslimiinta reer Qaza ayaa ku baaqay in caawa qof kasta oo Muslim ah uu soo tooso saqda dhexe, islamarkaana isagoo khaashic ah uu tukado laba rakacadood, akhriyana ducada kurbada 100 jeer, isagoo walaalihiisa u baryaya in uu Allaah dhibaatada ka dulqaado.
“لا إله إلا الله العظيم الحليم، لا إله إلا الله رب العرش الكريم، لا إله إلا الله رب السماوات والأرض، ورب العرش العظيم “
Hadaba, ducadu intee ahmiyad ah ay u leedahay qofka Muslimka ah? Waxaa arrintaasi ka warramaya sheekh Cabdi Raxmaan Filin, oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Wilaayaadka Islaamiga.
Halkan Ka Dhagayso Kalimada Sheekha.