Rasaas ka Dhacday Madaarka Hargeysa Xilli uu ka Dhoofayay Murtad Muuse Biixi.

Dec 1, 2025

Xilli shaley uu garoonka magaalada Hargeysa ka duulayey murtad Muuse Biixi, madaxii hore ee maamulka ridada ee Somaliland ayaa maleeshiyaatka Booliska ee ilaaliya garoonkaasi waxay rasaas ku fureen kulanyadii gaadiidka ee galbinaysay Muuse Biixi.

Arrintaani ayaa timid kadib markii maleeshiyaatka ay ku amreen Muuse Biixi inuusan lasoo galin garoonka ilaaladiisa gaarka ah, taasoo keentay in markii danbe maleeshiyaatka garoonka ilaalinayey ay rasaas ku furaan gaadiidkii Muuse Biixi.

Dhacdadaan ayaa noqotay mid hadalheyn ballaaran dhalisay, iyadoona ay ka hadleen Siyaasiyiin. Xildhibaano, iyo Ururada Siyaasada ee Somaliland, kuwaasi oo soo saaray bayaanaat ay ku cambaareeynayaan falkaasi.

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa soo ifbaxayey khilaafka u dhaxeeya xubnaha mucaaradka ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi, iyo maamulka haya talada Somaliland ee murtad Cirro taasoo keentay in rasaas ay maleeshiyaatka Somaliland ku furaan xilli uu Muuse Biixi ka duulayey magaalada Hargeysa.