Wararka ka imanay dalka Hindiya ayaa sheegaya in R/wasaarihii hore ee dalka Kenya Gaal Raila Odinga oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan dalkaasi uu saaka ku bakhtiyey cisbitaal ku yaalla dalka Hindiya.
Odinga oo sida la sheegay muddooyinkii u dambeeyey daaweyn u joogay dalka Hindiya, ayay wararku tibaaxayaan in subaxnimadii hore ee saaka isagoo lugaynaya uu ka dhacay istaagga.
Sida ay xogtu tilmaantay Odinga ayaa isla markiiba loola cararay cisbitaalka magaalo ku taalla gobolka Kerala ee koonfurta dalka Hindiya. Wax yar kabacdina waa uu bakhtiyey, sida ay xaqiijiyeen mas;uuliyiinta cisbitaalku.
Odinga oo ku dhintay da’aadda 80 Jir-ka, ayay geeridiisu timid xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen warar sheegayay in xaaladdiisa caafimaad ay aad u liidato. Inkastoo qoyskiisu ay mar dambe shaaciyeen in xaaladdiisu ay kasoo raynayso.
Kaafirkan bakhtiyay ee Raila Odinga, wuxuu Ra’iisul-Wasaare kasoo noqday dalka Kenya intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2013, waxaanu guddoomiye ka ahaa xisbiga Orange Democratic Movement oo loosoo gaabiyo (ODM), oo ka mida xisbiyada ugu saamaynta badan dalka Kenya.
Raila Odinga waxa uu marar badan ka qayb-galay tartarnka doorashada madaxtooyada, waxaanu tiraba shan jeer isku dayay inuu noqdo madaxweynaha dalka Kenya balse isku-dayyadaasi dhammaantood waa uu ku guuldareystay.