Rabshado Khasaaro Geystay oo ka Dhacay Magaalooyinka Waaweyn ee Kenya.

Jul 8, 2025

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay dalka Kenya kadib markii ay dhaceen mudaharaadyo ka dhan ah dowladda, kuwaas oo dhacay maalintii Isniintii ee shalay aheyd oo ku beegnayd sanad-guuradii 35-aad ee kacdoonkii caanka ku ahaa “Sabca Sabca”.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in 52 askari ay ku dhaawacmeen isku dhacyadaas oo ka dhacay magaalada Nairobi iyo qaybo kale oo ka mid ah Dalkaas. Booliiska ayaa la sheegay inay isticmaalayeen rasaas nool iyo biyo karkaraya si ay u kala eryaan dadka mudaharaadayay, kuwaas oo ku dhawaaqayay ereyo ka dhan Dowlada saliibiga ah ee Kenya, islamarkaana ku socday wadooyinka ee dalkaas.

Kacdoonkii “Sabca Sabca” oo macnaheedu yahay “Toddoba Toddoba” afka Kiswahiliga, ayaa dadka kenyaatigu iskugu soo baxaan 7-da Luulyo sanad walba, si loo xasuusto kacdoonkii 1990-kii ee shacabka Kenya ay ku dalbadeen in la rido dowladii kaligii taliska aheeyd ee Daniel arap Moy kadib sanado badan oo uu xukumayay dalkaaas.

Dadka mudaharaadayay sanadkan ayaa ku eedeeyay dowladda Saliibiyada Kenya ee uu maamulo Gaalka lagu magacaabo William Ruto inay masuul ka tahay Musuq maasuq baahay iyo Sicir barar dalkaas hareeyay.

Dadka banaanbaxayay ayaa sidoo kale maamulka Ruto ku eedeeyay inay adeegsanayso kooxo hubaysan oo rabshado abuura si ay u sumcad dilaan dhaqdhaqaaqooda, halka dowladda ay ku tilmaamtay mudaharaadyada “isku day afgambi”.

Wasiirka arrimaha gudaha Dalkaas, Gaalka lagu mgacaabo Kipchumba Murkomen, ayaa sheegay in dowladdu ka go’an tahay inay ilaaliso nolosha iyo hantida shacabka muddada mudaharaadyada socda. .

Tan iyo bishii Juun ee sanadkan, ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhintay mudaharaadyada ka dhacay guud ahaan dalka. Geerida nin caan ka ahaa dalkaas ahaan macalin laguna magacaabi jiray Albert Ojwang oo ku geeriyooday gacanta booliiska bishii Juun ayaa la sheegayaa inay sii kicisay carada shacabka.

Dadka u dooda waxa loogu yeero xuquuqda aadaha ayaa sheegay in Inta badan dhimashada ay sabab u ahayd rasaas toos ah oo ay isticmaaleen ciidamada booliska si ay dadka u kala ceyriyaan. Ururada u dooda waxa loogu yeero xuquuqda aadanaha sida Amnesty International ayaa sidoo kale ku baaqay in la sameeyo baaritaan madax-bannaan oo degdeg ah, si loo helo cadaalad dhab ah loona joojiyo tacaddiyada.