R/Wasaaraha Canada oo Doonaya Inuu ka Dago Kursiga.

Dec 17, 2024

Ra’iisul wasaaraha Canada ayaa ku fikiraya inuu is casilo xaalado badan oo soo food saaray awadeed.

Sida jariiradu ay ku warameyso joornaalka kasoo baxa dalka Ingiriiska ee The Independent Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau oo saacadaha soo aadan la filayo inuu hortago Baarlamaanka wadankiisa ayaa lagu warramaya inuu ka fakarayo inuu iska casilo xilka uu hayo sababo dhowr ah oo is biirsaday awgii.

Arimaha ninkan walaaca ku beeray ayey warbixintu ku sheegay inuu ugu horeeyo dib u doorashada Donald Trump iyo hanjabaadiisii ahayd inuu canshuur xad dhaaf ah kusoo rogo doono dhamaan wax soosaarka Canada uga imaanaya, taa oo dhaawacaysa qorshihii Trudeau ee ahaa inuu dib u habeyn balaaran uu ku sameeyo dhaqaalaha wadanka.

Maalinimadii shalay ee Isniinta waxaa si lama filaan ah isku casishay ra’iisul wasaare ku xigeenkii Canada iyo dhanka kalana ahayd wasiirkii maaliyadda haweeneyda lagu magacaabo Chrystia Freeland, tanina waana mid kamid ah waxyaabaha walaaca xoogan ku beeray Justin Trudeau ayey xoguhu intooda badan leeyihiin.

FAAFREEB PRO