Qorshaha Mareykanka ee Barakicinta Reer Qaza ee Dhulka Soomaalida, Maxay Tahay Warbixinta Xasaasiga ah ee Laga soo Dusiyey.

Aug 9, 2025

Warbixin uu daabacay wargeyska Financial Times ayaa shaaca ka qaaday in shirkadda talo-bixinta istaraatijiga ah ee Mareykanka, Boston Consulting Group (BCG), ay bilowday ka shaqeynta qorshe lagu barakicinayo boqolaal kun oo reer Falastiin ah oo ka soo jeeda Qasa, looguna soo rarayo gudaha Soomaaliya.

Qorshahan ayey warbixintu sheegeysaa in shirkadan ay waday muddo ku dhow toddobo bilood, waxaana lagu qiyaasay kharashka ku baxaya talaabadaan in uu gaarayo ilaa $4 milyan, iyadoo la saadaaliyay in in ka badan 500,000 qof oo reer filistiin ah la raro.

Maamulka yuhuuda ayaa shirkadan Ameerikaanka ah ka caawinaya hababka ugu fudud ee dadka Qaza dhulkooda looga soo saari karo loona keeni karo gudaha wadankanka Soomaaliya, waliba iyadoo uusan imaan wax fashil ah, sida uu cadeynayo wargeyska Financial Times.

Shirkada BGC oo la aas-aasay 1963-dii waxay sidoo kale dajineysaa dhaqaalaha ku baxaya qorshahan, sida ay ku suragalayso in Falastiiniyiinta laga daabulo Qasa oo la geeyo Soomaaliya, falcelinta ka dhalanaysa sida la isaga caabin karo, dhulalka dadkan la dejinayo iyo sida lagu dhisi karo jawi aan iska caabin lahayn oo lagu dhaqan geliyo talaabadan.

Warbixntu waxay sidoo kale cadeyneysaa in hadii Mareykanka uu ku guuleysto talaabadaan uu doonayo in Qaza oo ka hirgaliyo talaabooyin dhowr ah, sida in laga dhiso jaziirad la doonayo in loo ekeysiiyo mida Palm ee ku taala Dubai taasoo uu yeelan doono Donald Trump, iyo in laga hirgaliyo shirkada Elon Musk Smart Manufacturing Zone oo ah mid soo saarta gawaarida korontada, gaalada ayaana sida tan u qorsheysay iney u kala boobaan dhulka Qaza kadib markii ay barakiciyaan muslimiinta ku nool, walow taasi ay dhalanteed u muuqato marka wax lagu dhisto sabarka iyo sugnaanta reer Qaza.

Gunaanudkii shirkada talo-bixinta istaraatijiga ah ee Mareykanka, Boston Consulting Group, ayaa sheegtay iney wada-hadalo u socdaan kooxda ridada Soomaaliya iyo maamulka ashahaada la dirirka ah ee Soomaliland, qorshahana uu yahay mid wali miiska saaran, natiijadiisana ay soo gudbin doonaan.

FAAFREEB PRO