Wararka ka imaanaya bariga gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad qalalaase iyo jahwareer amni ay haatan ka taagan tahay deegaanka Moqokori, kaddib markii ciidamada mujaahidiinta ay gacanta ku dhigeen deegaanno muhiim ah.
Maleeshiyaadka ridada ee ku sugan degmada Moqokori ayaa wajahaya xaalad murugo leh, taas oo keentay is-rasaasayn dhex marta iyaga dhexdooda.
Goob-joogayaal ayaa xaqiijiyay in is-rasaasaynta ay salka ku hayso khilaaf ka dhashay deminta shirkadaha isgaarsiinta ee degmada ka howlgala.
Is-rasaasaynta dhex martay maleeshiyaadka ayaa sababtay dhimashada qof rayid ah, sawirro si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya meydka ninka la dilay oo rasaas madaxa kaga dhacday.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka ridada ee ku haray Moqokori ay bilaabeen in ay si qasab ah gaadiidka shacabka ay ugu raraan sahay ay kala baqa cararayaan deegaanka.
La wareegistii mujaahidiinta ee deegaannada Ceel-Qooxle, Muqlayga Qeycad, iyo Ceel-Hareeri oo dhammaantood kaabiga ku haya Moqokori ayaa larumeysanyahay in ay xaaladda kusii adkeystay maleeshiyaadka dabadhilifyada ah ee sida aadka ah loogu barakiciyay dagaallada ka socda bariga Hiiraan.