Qawmiydaha Itoobiya oo Ugaarsi isku Bilaabay iyo Jabhada Amxaarada oo Gowracday Ruux Oromo Ah

Nov 23, 2024

Colaadaha ka taagan wadanka Itoobiya ee dhaca bariga qaarada Afrika ayaa marba yeelanaya waji cusub, iyadoo markaan ay muuqato saansaan ay gorada isku galinayaan qowmiydaha Itoobiyaanka ah.

Kadib markii ay uhub qaateen nuidaamka Abey Axmad, ayeey markooda ka dhax tafantay jabhadaha mucaaradka ah ee kala matalaya Amxaarada iyo Oromada.

Saacadihii lasoo dhaafaywaxaa gobolka Oromiya lagu dlay ruux oromo ah, kaas oo ay dilkiisa ka danbeeyeen maleeshiyaatka qawmiyada Amxaarada ee Faano.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warantay in shaqsiga la dilay uu ahaa wiil dhalinyaro ah islamarkaana la gowracay, Kooxda dilka geesatay ayaana gudaha usoo gashay gobolka.

Maamulka Oromada iyo Jabhada mucaaradka ah ayaa bayaanaad ay soo saareen waxyay uga hadleen dhacdadaasi, iyagoo digniin udiray qawmiyada Amxaarada.

Falanqeeyaasha ayaa sheegaya in hadii xaaladu ay sidaan kusii socota laga yaabaa in dalkaan uu lugaha la galo colaad nuuc cusub ah, taas oo noqon karta mid kamid ah dagaalladii ugu xumaa ee Itoobiya soo mara, maadaama dalkaan qowmiydaha daga ay yihiin kuwa kala luqad, dhaqan iyo diin ah.

Dhanka kale nidaamka Abey Axmad ayaa shaqada ka joojiyay qaar kamid ah hay’adaha udooda waxa loogu yeero xuquuqda aadanaha, oo baritaano iyo daraasad ka samaynayay mudooyinkii danbe colaada kasocta wadankaan.

Nidaamka Abey Axmad oo umuuqda in uu ka carooday warbixinada ay kasoo saareen xasuuqyada ay gaysanayaan milatarigiisa , ayaa ku edeeyay in ay galeen danbiyo kadhank ah dowladiisa ayna faraha la galeen shaqo aan tooda aheyn.