Qaraxyo Lagu Naafeeyay Ciidamada Kenya oo ka Dhacay Laamu iyo Mandheera.

Dec 16, 2025

Ciidamada Mujaahidiintu waxey qarax la beegsadeen Kolanyo Kufaarta Kenya ah oo ka baxay xero ku taala buurta Kaamoole kuna sii jeeday deegaanka Shangaani ee gobolka Laamuu ee ku hoos jira gumeysiga cadowga

Qaraxn waxaa Allaaf fadligii lagu diley Sarkaal Kenyaati oo ka tirsanaa kolonyada uu qaraxu haleelay, waxaana uu sarkaalkani ahaa miino baare.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in qaraxa kadib cabsi awgeed kolanyada Saliibiyiinta Kenya ay dib ugu laabteen xeradii ay kasoo baxeen ee ku taala buurta Kaamoole.

Dhanka Mandheera, ciidamada Mujaahidiintu waxey weerareen xerada askarta Kufaarta Kenya ee deegaanka Sheekh Barow ee hoostaga degmada Lafeey ee gobalka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga Kufaarta Kenya.

Inta dagaalka uu socday waxey Mujaahidiintu Garneelada garbaha laga rida la heleen Labo Teendho oo saliibiyiinta hub ugu jieen, dab xoogan ayaana ka kacay Labada Teendha waxaana si aad ah loo maqlayay qaraxyada ka dhashay hubka ku dhex gubtay labadaasi Teendha.

FAAFREEB PRO