Ciidamada guutada qaraxyada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala gobolka Mandheera ee dhulka NFD, waxay qaraxyo culus la beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan Kuffaarta Kenya, kuwaasoo ka baxay deegaanka Cumar Jilicow kuna sii jeeday dhanka magaalada Mandheera ee ka wada tirsan gobolka Mandheera ee gumeysiga Kenya ku hoos jira.
Qaraxyada ayaa Allah fadligiis lagu buburiyay gaari Kooyal ah, sidoo kale waxay waxyeello xooggan soo gaartay gaari nooca mutabiishka ah, sidoo kale waxaa dhimasho iyo dhaawac noqday ciidamadii kuffaarta Kenya ee labadaasi gaari la socday, waxaana goobta maydadka iyo dhaawacyada ka daabushay diyaarad nooca Helicopterka ah.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada Kuffaarta Afrikaanta ee degmada Jannaale, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.