Ciidamada Mujaahidiinta ayaa saacadihii lasoo dhaafay fuliyay howlgallo isugu jira qaraxyo iyo weerarro toos ah, kuwaasi oo ka kala dhacay gobollada Gedo, Baay iyo Shabeellaha Hoose.
Gedo, waxey habeenkii xalay ciidamada Mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen xerada Murtadiinta Xero Baraxow ee degmada Baardheere.
Dhanka Baay, ciidamada Mujaahidiintu waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen xerada Kufaarta Xabashida Itoobiya ee degmada Diinsoor.
Dhanka kale, ciidamada Mujaahidiintu waxey howlgal qarax ah ka fuliyeen gudaha degmada Awdheegle ee Shabeelada Hoose, kaasi oo khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaadka ridada ee dabadhilifyada u ah.
Baqtiga waa 5 askari oo Kufaarta Afrikaanta ah, halka dhaawacu yahay 7 askari oo Kufaarta Afrikaanta ah iyo Hal askari oo Murtadiinta ah.
Waa qeyb ka mid ah howlgallada mujaahidiinta ee kusii xoogeysanaya gobollada kale duwan ee dalka, saacadihii lasoo dhaafay ayayna ahayd markii howlgal ka dhacay hoteel ku yaalla degmada Mandheera lagu dilay 5 askari oo ka tirsan ciidamada Saliibiyiinta Kenya.
FAAFREEB PRO