Waxaa saaka xiran wadooyin muhiim ah oo ku yaala qaar kamid ah dagmooyinka magaalada Mogdisho ee caasimada Soomaaliya kuwaas oo adeegsigooda loo diiday dadka shacabka ah.
Wadooyinka xiran waxay badanaa ku yaallaan dagmada Boondheere, waxaana la arkayay iyadoo maleeshiyaat murtadiin ah ay diidayaan in ay istcimaalaan gaadiidka iyo dadka shacabka ah.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay loo diiday in xitaa lug ay ku maraan ,lyada oo lagu amray in ay isticmaalaan wadooyin kale, dadkaasna waxaa kamid ah boqolaal arday oo subaxnimadii hore ee saaka guryahooda uga soo jarmaadya in ay aadan goobaha wax barashada.
Sababta ay maleeshiyaatka murtadiianta saaka uxireen dariiqyadaas ayaa ah ,in ay Kooxda Ridada qaabnays bananabax ay ku sheegtay in lagu taageerayo waxay ugu yeertay doorasho qof iyo cod ah.
Dad ubadan shaqaalaha wasaaradaha xukumada ridada ayaa la isugu geeyay halka looyaqaano Daljirka Daahsoon, halkaas uu Xasan Gurguurte kudhigayo ruwaayad uu taageero ugu raadnayo damaciisa ay ganafka ku dhufteen qaar kamid ah maamul goboleedyada ridada iyo siyaasyiinta mucaaradka ah.
Magaalada Mogdisho ay ku noolyihiin malaayiin kamid ah shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ah magaallada ugu dad badan wadanka, ayeey dadkeedu maalinba waliba wajahaan kadeed iyo caburin xoogan, dhibaatada ugu xoogana waxay ka haystaa isticmaalka wadooyinka oo dariiqyada ugu muhiimsan caasimada waxaa ku jaran dhagxaan, sababo ku aadan cabsida ay qabaan madaxda ridada ah.