Ruushka wali dhaq-dhaqaaq xoogan ka wada gobolka Kurisk xilli saacado ka hor uu halkaas gaaray Vladamir Putin.
Sida lagu waramayo ciidanka Ruushka ayaa gudaha u galay deegaanno horleh oo ka tirsan bariga Ukraine , halka sidoo kale ay dib ula wareegeen shan tuulo oo ku yaalla galbeedka gobolka Kursk ee dhulka Ruushka ee ay ku sugan yihiin ciidanka Ukraine, waana sida ay ku warantay wasaarada difaaca xukuumada Moscow.
Waxaa sidoo kale lagu waramayaa in Ruushka uu weerarro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu ku qaaday gudaha Ukraine, mid ka mid ah weerarradaas ayaana lagu beegsaday dekedda magaalada Odesa.
Waxaa dhanka kale joornaalada ugu waaweyn gobolka ayaa saacadihii lasoo dhaafay baahiyey safar uu Putin ku tagay gobolka ay dagaaladu ka socdaan ee Kurisk, isagoona kulamo la qaatay taliyaha guud ee ciidamada Ruushka.
FAAFREEB PRO