Shir ay maanta isugu yimaadeen mas’uuliyiinta guddida amniga gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa looga hadlay falal amni-darro ah oo maleeshiyaadka PSF ay xalay ka geysteen magaalada Gaalkacayo.
Kulankan oo ka qabsoomay isla magaalada Gaalkacayo ayaa ayaa waxaa shir-guddoominayay Faysal Sheekh Cali oo ah guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka la baxay Puntland.
Mas’uuliyiintii kulankan isugu yimi ayaa si adag uga hadlay falal ay sheegeen inay lid ku yihiin amniga oo habeennimadii xalay ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacayo.
Guddidu waxay isla qaateen in askar sharci-darro ah yihiin maleeshiyaadka PSF oo sida la sheegay habeennimadii xalay isbaarooyin aanu maamulku raalli ka ahayn dhigtay gudaha magaalada Gaalkacayo.
Dhaqdhaqaaqyo dambe oo maleeshiyaadka PSF ay ka sameeyaan magaalada iyo guud ahaan gobolka ayaa gebi ahaanba laga mamnuucay sida ku xusan qodobada guddida amnigu ay soo saartay.
Sidoo kale guddidu waxay fareen ciidamada ammaanka inay tallaabo ka qaadaan cidkasta oo isku dayda in ay khalkhal-gelisa ammaanka magaalada Gaalkacayo.
Guddoomiyaha gobolka Mudug oo sidoo kale goo dhawayd shir-jaraa’id qabtay ayaa maleeshiyaadka PSF iyo taliyahoodaba ugu hanjabay inay ka shallayn doonaan haddii xeradooda ay soo dhaafaan.
“Haddii mar dambe aad xeradaada kasoo baxdid, gidaarkaaga ayaan kuugu imaanaynaa, inta tawaangi iyo madaafiic kugu xeeran waad aragtaa, tallaabo-shanaadda jooji, waanan kaaga digaynaa….” Ayuu yiri guddoomiye Faysal Sheekh Cali.
Go’aannadan ayaa imanaya kadib markii maleeshiyaadka PSF ay xalay isbaarooyin dhigteen gudaha magaalada Gaalkacayo, isla markaana sameeyeen dhaqdhaqaaqyo cabsi ku abuuray bulshada deggaanka.
Sida ay wararku tibaaxayaan saraakiisha maleeshiyaadka PSF ayaa ku gacan-sayray saraakiil ka tirsan booliska Puntland oo amar ku bixiyey in la qaado isbaarooyinka.
Maleeshiyaadka Puntland iyo kuwa PSF ayaa horey dagaal ba’ani dhex-maray, kadib markii xurguf siyaasadeed soo kala dhex-gashay Saciid C/Laahi Deni iyo Asad Diyaano oo ahaa taliyihii hore ee PSF, haatanna ah taliyaha guud ee maleeshiyaadka booliska ee kooxda Villa Somaliya.
Maleeshiyaadka PSF waxaa aasaasay oo ay ka mid yihiin calooshood-u-shaqaystayaasha ay samaysteen sirdoonka Maraykanka, gaar ahaan C.I.A-da, waxaanay muddo badan ka taakulayn jirtay dhinaca tababarka, dhaqaalaha iyo weliba agabka millateriga.
XIGASHO SOMALIMEO