Ilyaas Cusmaan Lugatoor oo ah ku-xigeenka madaxa maamulka ridada ee Puntland ayaa ka hadlay hadal dhawaan kasoo baxay kooxda ridada Soomaaliya kaasoo maamulka Puntland ku eedeeyey in garoonka magaalada Boosaaso u oggaaladeen dowladda Imaaraatka Carabta inay uga duusho dalka Suudaan.
Lugatoor ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay hadal dhawaan kasoo baxay Wasiirka Gaadhaandhigga kooxda ridada Soomaaliya murtad Fiqhi kaasoo sheegay in garoonka magaalada Boosaaso looga duulo dalka Suudaan.
Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa aad isusoo tarayey hadalheynta ka dhalatay in garoonka magaalada Boosaaso ee gobalka Barri ay isticmaasho dowladda Imaaraatka, iyadoona halkaasi ay ka kacaan diyaaradaheeda duqeymaha ka geystay dalka Suudaan.
Sidoo kale, warbixino ay dhawaan qoreen warbaahinta Reer-galbeedka ayey kusoo bandhigeen xog iyo muuqaallo muujinayey in ciidamo calooshood u shaqaystayaal ah oo u dhashay dalka Kolombiya laga soo dajiyo garoonkaasi kadibna loo qaado gudaha dalka Suudaan, si ay uga qeybqaataan dagaallada ka jira dalkaasi.
Dowladda ridada ee Imaaraatka ayaa saldhigyo ku leh deegaanada Puntland, iyadoona sidoo kale deegaanadaasi ka duubulata macdanta muhiimka ah ee ku jira deegaanadaasi.