Puntland & Jubbaland oo soo Saaray Warmurtiyeed ka Dhan ah Kooxda Ridada Soomaaliya.

Jun 26, 2025

Maamullada ridada ah ee Puntland iyo Jubbaland ayaa soo saaray warsaxaafadeed ka dhan ah kooxda ridada Soomaaliya.

Murtad Axmed-Madoobi iyo Siciid Deni oo maalmihii ugu dambeeyay shirar kulahaa magaalada Garoowe ayaa soo saarey qodoobbo ay ku cambaaraynayaan Xukuumadda Xasan Gurguurte.

Labada maamul waxa ay sheegeen in xukuumada Muqdisho beddshay waxa loogu yeero dastuurka Somalia ee kumeelgaarka ah kaas oo la sameeyay 2012.

Waxa kale oo qodobbada kamid ahaa in ay Federaalka ku eedeeyeen ku tagrifalka lacagaha shisheeyuhu siiyo Soomaaliya.

Waxay sidoo kale labadan maamul kuwa loogu yeero Beesha Caalamka ugu baaqeen in ay soo faragaliyaan nidaamka hawada Soomaaliya maaddaama ay kooxda ridada siyaasadeeyeen kuna dhibaateeyaan hadba ciddii siyaasad ahaan ka soo horjeedda.

Puntland iyo Jubbaland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay si cad uga soo horjeestay Villa Somalia iyaga oo ku eedeeyay dastuur jabin.

Waxaana xusid mudan in dagaal Xasan Sheekh ku qaaday Jubbaland uu ku jabay oo ciidankii metelay Villa Soomaaliya ay iska dhiibeen Kenya.