Warbixin lagu daabacay Wargeyska The Wall Street Journal ee kasoo baxa dalka marykanka ayaa lagu sheegay in maamulka cusub ee Trump uu qorsheynayo hawlgal ballaaran oo lagu beegsanayo dadka soo galootiga ah, iyagoo ka bilaabi doona magaalada Chicago toddobaadka soo socda.
Hawlgalkan, oo noqonaya mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu horreeyay ee ololaha madaxweynaha cusub ee Donald Trump ee ka dhanka ah soo galootiga, ayaa lagu wadaa inuu bilaabmo subaxnimada Talaadada ah ee soo socota, hal maalin kadib caleemo-saarkiisa.
Waaxda Socdaalka iyo Kastamka ee Mareykanka ee marka lasoog gaabiyo loo yaqaan (ICE) ayaa hawlgalkaaan fulintiisa u xilsaartay boqolaal askari, sida ay joornaalka u sheegeen afar qof oo xog ogaal u ah qorshaha.
“Waxaan ka bilaabi doonaa howlgalka Shikaago,” ayuu yiri Tom Homan, oo ah mas’uulka cusub ee maareynta xuduudaha, isagoo oo ka hadlayay xaflad lagu qabtay waqooyiga magaalada shikaago. “Haddii duqa magaalada naga caawin waayo, ha iska daawado howlgalka. Laakiin haddii uu carqaladeeyo ama uu qof si sharci-darro ah dalka ku soo galay ogaal ah u qariyo, waan dacweyn doonaa.” ayuu warkiisa kusii daray.
Duqa magaalada shikaago gaalka lagu magacaabo Baraandon Joonson, iyo guddoomiyaha gobolka Ilinooy, gaalka lagu magacaabo Jay bii barisker, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa si kulul uga jawaabay hadallada Homan iyo qorshayaasha maamulka Trump. bariisker ayaa yiri, “Waxaan hubin doonaa in sharciga la raaco. Waxaan ka walaacsanahay in maamulka Trump iyo dadka u adeega aysan sharciga dhowri doonin.”
Qorshahaan ayaa qayb ka ah isku dayada maamulka Trump ee lagu bartilmaameedsanayo magaalooyinka loo yaqaan “sancshuwary sitis,” kuwaas oo xaddidaya wada shaqeynta iyaga iyo hay’adaha socdaalka ee federaalka.
Dad badan oo ka faallooda arrimaha dhaqaalaha ayaa ka digaya in ololaha masaafurinta baahsan uu sababi karo saameyn dhaqaale oo halis ah, gaar ahaan warshadaha sida cuntada, dhismaha, iyo adeegyada oo aad ugu tiirsan shaqaalaha soo galootiga ah.
FAAFREEB PRO