Nidaamka Cusub ee Suuriya oo Lacag Magdhaw ah ka Qaadaya Iran iyo Ruushka.

Dec 18, 2024

Kooxaha muacaaradka Suuriya ayaa shaaciyey iney diyaar u yihiin in lacago magdhaw ah ay ka qaadaan wadamada Ruushka iyo Iran oo galangal xoogan ku lahaa wadanka sidoo kalana bar bar taagnaana nidaamkii la riday ee Bashaar Al-Asad.

Dowladda cusub ee Suuriya ee la doonayo in lasoo dhiso bilaha soo aadan ayaa isku diyaarinaysa inay magdhow ka qaado Ruushka iyo Iran, sabab la xiriirta xasuuqa iyo burburka ay ka geysteen dhulka Suuriya mudada ay joogeen.

Xukuumada Tehran oo durbadiiba kasoo falcelisay hadalkan ayaa sheegtay in waxaas ay yihiin waxba kama jiraan iyo ka bad badin aysana haba yaraatee bixineynin wax mag dhaw ah, lacagta Iran mag dhaw ahaanta looga rabo ayaana lagu sheegay iney gaareyso ilaa 50 Bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

Dhanka Ruushka isagana wax falcelin ah kama soo yeerin, ilaa hadana waxa uu wali wujuud ku leeyahay gudaha Suuriya oo ay saldhigyadiisa ku yaalaan, waxa uuna taa badalkeed doon doonis ugu jiraa sidii uu markale saameyn ugu yeelan lahaa Suuriya isagoo xaliif la nooqnaya nidaamka cusub.

FAAFREEB PRO