Natanyaahu oo si Kumeel Gaar ah u Wareejiyey Xilka Xilli Qaliin uu Galay.

Dec 30, 2024

Ra’iisul wasaaraha yuhuuda ayaa xilka si ku meel gaar ahaan ah ugu wareejiyey ku xigeenkiisa xilli uu galay qaliin qaadanaya maalomo, waxaa sidaas shaacisay saxiifada yuhuuda ee The Timse of Israel.

Waxaa la xaqiijiyay in Binyamiin Natanyaahu uu illaa bartamaha toddobaadkan ku jiri doono isbitaal, maadaama lagu sameynayo qalliin looga saarayo qanjirka ‘prostate’ la gelin doono suxdin dhammeystiran, waa sida hadalka loo dhigee.

Waxaa intaasi sii dheer oo ay xoguhu tibaaxayaan in Natanyaahu uu sidoo kale mari doono qaliino kale oo dhowr ah kuwaas oo aanan laga bixin wax faahfaahin, balse la filayo in iyaguna ay halis ku gedaamanyihiin.

Waxaana lagu waramayaa in midaas ay ku khasabtay inuu si buuxda shaqada si kumeel-gaar ah ula wareego Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka waxa loogu yeero caddaaladda ninka lagu magacaabo Yariv Levin.

FAAFREEB PRO