Natanyaahu oo Gaaray Mareykanka iyo Caro ka Dhalatay Arinkaas.

Feb 3, 2025

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay safarkiisii dhanka Mareykanka u ambabaxay madaxa sahaayinada Binyamin Natanyaahu isagoo gaaray magaalada caasimada Washington, D.C siu u kulo ula qaato ninka 13 maalmood ka hor kursiga aqalka cad loo caleema saaray ee Donald Trump.

Kadib bixitaankii Natanyaahu ee dhanka Mareykanka waxaa gudaha maamulka yuhuuda ka dhashay buuq iyo caro xoogan oo ka dhalatay in Binyamin Natanyaahu uu ka tagay wakiillada qoysaska maxaabiista ku haray gacanta kooxaha muqaawamada Filistiin oo sida lagu waramayo ahayd inay u raacaan Washington.

Xogaha ayaa intaasi ku daraya in qorshuhu uu ahaa in Binyamin Natanyaahu iyo dhamaan wakiilada shaqsiyaadka ku haray xabsiyada muqaawamada ay si wada jir ah ugu tagaan Trump si ay uga wada hadlaan arinkan, ajandahaasna uu noqdo midka ugu horeeya ee la xalinayo, balse Natanyaahu ayaa kaligii u duulay dhanka Mareykanka isagoo aanan safarkiisa ogeysiin wikiilada, waana mida carada dhalisay.

Iyadoo aysan kasoo wareegan waqti fog waaxaa lagu soo waramay in wakiillada qoysaska maxaabiista ee uu ka soo tagay inay iyaguna soo gaareen Washington, kuwaasoo ka daba qaatay diyaarad kale oo gaar ah, sidaba ay daabeceen qaar kamid ah joornaalada ugu afka dheer ee kasoo baxa dhanka yuhuuda.

Waxaana gabagabadii midan lagu tilaamay qorshe ay horay u dageen qoysaska maxaabiista yuhuuda iyo wakiiladooda, maadaama aysan wax kalsooni horayba aysan ugu qabin Natanyaahu oo ay ku eedeeyaan inuu yahay mid kaliya ilaashanaya kursigiisa iyo wax kasta oo uu dani ka dhax arko.