Muxuu Salka ku Hayaa Eedeynta ay Dowladda Eritrea u Jeedisay Itoobiya?.

Jun 27, 2025

Warsaxaafadeed kasoo baxay wazaaradda warfaafinta ee dowladda Ertitrea ayaa eedaymahan loogu jeediyay nidaamka Itoobiya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed, kuwaas oo ay sheegtay inay faafiyeen weerar been abuur ah iyo hurin colaadeed.

Bayaanka xukuumadda Asmara ayaa lagu sheegay in maamulka Itoobiya uu maalmihii lasoo dhaafay qaaday olole diblomaasiyadeed oo uu ku rogeyo ra’yul caamka dadka sida lagu sheegay bayaanka, waxayna adeegsatay bay tiri Itoobiya warqado ay u dirtay xoghayaha guud ee urur gaaleedka QM iyo hoggaanka dowladaha ay bah_wadaagta yihiin ee saamaynta leh.

Waxay dowladda Eritrea intaa ku dartay in farrimahaasi ay ahaayeen kuwa xambaarsan eedeymo been abuur ah oo ka dhan ah Eritrea, kuwaas oo ay ka mid yihiin in Eritrea lagu tuhunsan yahay falal daandaansi ah oo lagu waxyeellaynayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Itoobiya.

Bayaanka ayaa nuqul ka mid ah lagu yiri” Eedeyntan wax sal iyo raad toona ma lahan, waana mid loogu talagalay in lagu daboolo ajendaha dhabta ah ee is_ballaarinta ee uu higsanayo nidaamka Itoobiya”.

Waxay Eritrea sheegtay in Taliska ciidamada Itoobiya ay labadii sano ee ina dhaafay adeegsanayeen hanjabaado joogto ah, oo ay ka mid yihiin bay tiri inay xoog wax ku xallinayaan, tahdiidkaas oo ay sheegtay in uu yahay halis weyn oo ku wajahan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Eritrea iyo amniga iyo xasilloonida guud ahaan gobolka.

Eritrea ayaa ku goodisay haddii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu sii wado ajandihiisa ku dhisan is_ballaarinta, aysan dowladda Eritrea gacmaha laaban doonin oo ay xaq buuxa u leedahay inay isdifaacdo.

Bayaan soo baxay bishii oktoobar sannadkii 2023-kii ayay dowladda Eritrea ku caddeysay inaysan marnaba aqbali doonin in lagu soo xadgubo xuduudaheeda, waxa ugu wayn ee hadda keenay walaaca Asmara ayaa ah in Itoobiya wado dhaqdhaqaaqyo ballaaran oo ay bad ku doonayso, waxayna Eritrea si dhab ah u qaadatay in Itoobiya u socoto is-fidin dhuleed iyo sidoo kale doonista biyaha Eritrea.