Madaxweynaha Iran ayaa markii ugu horeysay u safray dalka Masar iyo arimo badan oo ku xeeran socdaalkiisa.
Sida uu daabacay joornaalka Tehran Times Masoud Pezeshkian ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaraday gudaha dalka Masar gaar ahaa magaalada caasimada ah ee Qaahira, isagoona halkaas kaga qeyb gali doona shir-madaxeedka ururka iskaashiga dhaqaalaha ee loo soo gaabiyo D-8 kaas oo ay ku mideysanyihiin dalalka Bangladesh, Indonesia, Malaysia, Nigeria, Pakistan, Masar, Iran, iyo Turkiga.
Tani waxay noqoneysaa booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne ka socda Iran uu ku tago wadanka Masar tan iyo 2013-kii, wixii xiligaas ka dambeeyey lama soo warin socdaal uu sameeyey madaxweyne ka socda dhanka Iran.
Falanqeeyaal wax ku dhisanaya socdaalka Masoud Pezeshkian iyo arimo badan oo mudooyinkan dambe ka dhexeeyey Tehran iyo Qaahira ayaa ku waramayaa in dhinacyadu ay daneynayaan in dib loo arko cilaaqaadkooda oo xoogan, maadaama isbadal xoog leh uu ka dhacay Suuriya, walaacna ay ka qabaan in xukuumada lasoo dhisayo ay noqoto mid awooda ugu badan ay Suniga leeyihiin, hadii taas ay dhacdana la arki doono Iran iyo Suuriya oo si aad ah isku garabsanaya si ay u burburiyaan nidaamkaas cusub.
FAAFREEB PRO