Muxuu Daaranyahay Safarka Gurguurte ee Jabuuti? AKHIRSO.

Jul 26, 2025

Madaxweynaha Kooxda Ridada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tagey dalka Jabuuti, halkaas oo la sheegay in uu kulamo kula leeyahay Madaxweynaha Jabuuti murtad Ismaaciil Cumar Geelle.

Booqashadan ayaa kusoo beegmaysa waqti xasaasi ah oo gobolka Geeska Afrika uu wajahayo xaalado siyaasadeed, amni iyo khilaafaad diblomaasiyadeed oo sii xumaanaya.

Warbaahinta ridada ayaa sheegtay in labada madaxweyne ay diiradda saari doonaan arrimo la xiriira amniga gobolka, xiriirka dhaqaale, iyo ka hortagga saamaynta isbeddelka juqraafi-siyaasadeed ee ka socda gobolka, iyadoo Xasan Gurguurte socdaalkiisa uu ku weheliyo Mahad Salaad oo ah agaasimaha hay’adda sirdoonka ridada ee NISA

Tan iyo bilowgii bishan, Madaxweynaha Kooxda Ridada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarro ku tagay dhowr dal, waxa uu booqasho rasmi ah ku tagey Masar halkaas oo uu kula kulmay dhigiisa dalkaasi Cabdi Fataax Al-Sisi.

Kulankooda ayaa xoogga lagu saaray arrinta muranka biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ka dhiseyso webiga Niilka, kaas oo xiisad ka dhex abuuray Masar, Suudaan iyo Itoobiya.

Intaa kadib, murtad Xasan Sheekh waxa uu safar kale ku tagey Turkiga, safarkiisa ugu dambeeya ayaa ah midka uu maanta ku gaaray Jabuuti.

Socdaalka Xasan Sheekh wuxuu ku soo aadayaa iyadoo uu cirka isku sii shareerayo muranka biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ka dhiseyso webiga Niilka, kaas oo Masar iyo Suudaan si weyn uga soo horjeedaan.

Sidoo kale dawlada Xabashida Itoobiya waxay mar kale cadaadis saareysa sidii loo cusboonaysiin lahaa heshiiskii xaaraanta ahaa ee ay la saxiixatay maamulka ridada Somaliland bishii Janaayo 2024, kaas oo ay ku raadineyso helitaanka marin-badeed rasmi ah.

FAAFREEB PRO