Tan iyo markii uu murtad Xasan Gurguurte ka badbaaday weerarkii isku dayga dil ahaa ee uu lakulmay bishii Maarso ee lasoo dhaafay ayay sii kordhayeen cadaadisyada amni ee uu lakulmayo.
Warar soo baxay ayaa sheegaya in madaxweynaha ridada uu dowladda Turkiga ka codsaday in ay siiyaan ciidamo gaar ah oo suga amniga xarunta Villa Somalia kadib markii uu lakulmay digniino isdaba joog ah.
Ilo wareedyo ay soo xiganayso warbaahinta Turkiga ayaa tibaaxaya in Erdogaan uu Xasan Sheekh uballan qaaday in uu ciidamo ugu deeqayo kuwaas oo lawareegi doono ammaanka xarunta madaxtooyada islamarkaana xafiiska murtad Xasan Gurguurte ku rakibi doono qalab lagu sugo ammaanka.
Weerar bishii lasoo dhaafay ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayuu Xasan Sheekh si dirqi ah uga badbaaday wuxuuna burbur xooggan soo gaaray qaar kamid ah kolonyadii gaadiidka ahaa ee gelbinayay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in xukuumadda ridada ah ee Ankara ay ogolaatay in ay saraakiil amni ku xoojiso ilaalada Xasan Gurguurte.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa faraha kasii baxayay isbuucyadii lasoo dhaafay iyadoona dagaalyahannada mujaahidiinta Al Shabaab ay dhowr jeer madaafiic ku weerareen xarumaha ugu muhiimsan kooxda ridada sida madaxtooyada, garoonka diyaaradaha, xarunta Nabad Sugidda iyo xerada Xalane oo saldhig weyn u ah ciidamada shisheeye.