Murtad Shirdoon oo Eedeyn Kulul Ujeediyay Madaxa Kooxda Ridada.

Dec 17, 2024

R/wasaarihii hore ee kooxda Riddada ayaa sheegay in Xasan Gurguurte uu xaalka kooxda uceliyay sidii ay aheyd sanaddii 2004 isagoona saadaaliyay in dagaallo hor leh ay dhaxmari doonaan maleeshiyaadka Murtadiinta.

Tan iyo markii maleeshiyaadka kooxda ridada sida xun loogu jebiyay dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Raaskaambooni ee gobolka Jubbada hoose waxaa isasoo tarayay digashada ka imaanaysa mucaaradka Xasan Gurguurte.

Cabdifaarax Shirdoon oo horay usoo noqday R/wasaaraha kooxda ridada ayaa sheegay in xukuumadda hadda jirtay ay dhan walba ka fashilantay wuxuuna soo qaatay tusaalooyin muujinaya guuldarrooyinka ku habsaday kooxda riddada ee uu hadda hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud.

R/wasaarihii hore ee kooxda riddada ayaa carrabaabay in Xasan Gurguurte uu meel iska dhigay dastuur ku sheeggii kooxda loo dejiyay islamarkaana uu xaalkeedu taaganyahay sidii uu ahaa sanaddii 2004-tii isagoo ka dardaar weriyay masiirka kooxdan marka lagaaro bartamaha sanaddii 2026-da kolkaas oo uu ku egyahay mudda xileedka Xasan Sheekh.

Dhinaca kale Cabdifaarax Shirdoon ayaa saadaaliyay in maamulllada ashahadda ladirirada ah ee hadda lasafan Villa Somalia ay waqto aan fogeyn ay iclaamin doonaan in ay qabsanayaan doorashooyin ayna qaadi doonaan dhabbihii uu cagta saaray Axmed Madoobe kadibna ay dagaallo culus dhaxmari doonaan dhinacyada murtadiinta shisheeye kalkaallada ah.

Arrimaha ayaa imaanaya waqti hoggaanka kooxda ridada ay wajahayaan hubanti la’aan siyaasadeed islamarkaana ay ka goosteen maamullada Jubbaland iyo Puntland, waxaana lasaadaalinayaa in maamullo kale ay ka hoos bixi doonaan xukuumadda Xamza Barre