Guddoomiyaha kooxda Riddada Soomaaliya ugu magacaaban gobolka Gedo, murtadka lagu magacaabo Cabdullaahi Shimbir ayaa isagoo ku sugan gudaha magaalada Garbahaarrey sheegay in kooxda Riddadu doonayso inay maamul cusub oo ka madax bannaan kan Axmed Madoobe ka dhisto gobolkaasi.
Wuxuu Shimbir sheegay in maamulka cusub ee kooxda Riddadu doonayso in ay ka dhisto gobolka Gedo xarun looga dhigi doono Garbahaarrey, taasi oo sii xoojin doonta khilaafka gacan ka hadalka maraya ee ka dhex aloosan Axmed Madoobe iyo Xassan Gurguurte.
Arrinta uu ka dhawaajiyay guddoomiyaha maamulka kooxda Riddada ah ugu magacaaban gobolka Gedo ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka ashahaada la dirirka Jubbaland, Maxamuud Sayyid Aadan uu ka qayla-dhaamiyay maamul goboleed cusub oo kooxda Gurguurte ay ka dhinac dhisayso maamulkooda.
Dadka wax falanqeeya waxay sheegeen in madaxa kooxda Riddada Somalia murtad Xassan Gurguurte, uu wax walba ku bixinaya sidii uu kusii joogi lahaa xafiiska ugu sarreeye ee Riddada looga arrimiyo ee Villa Soomaaliya, wuxuu dhowaan maamul loogu magac-daray waqooyi bari ka dhisay Laascaanood, maamulkaas ayaa diidmo xooggan kala kulmay maamullada ashahaada la dirirka ee fadhiyadoodu kala yihiin Hargaysa iyo Garoowe.
Hadda ayuuna ku howlan yahay in maamul goboleed ka dhan ah Axmed Madoobe oo isla Jubbaland ah ka dhiso Garbahaarrey, waxaa horay u fashilmay isku day uu ku doonayay in uu ku qabsado Kismaayo kaddib markii maleeshiyada uu hoggaamiyo murtad Axmed Madoobe ay kuwa Gurguurte ka saareen Raas-kaambooni oo dhacda Jubbada hoose.