Murtad Gurguurte oo Safar Kadis ah ku Tagay Uganda Xilli Kooxdiisa ay Furimaha ku Wajeheyso Halaag Daran.

Apr 5, 2025

Kadib markii guul-darrooyin baaxad leh oo isdaba joog ah ay kasoo wajaheen furimaha dagaalka isla markaana jabaqda rasaastu ay aad ugu soo dhawaatay kooxda ridada Somaliya ayuu murtad Xasan Sheekh Maxamuud miciin biday inuu kolba dhan u cararo oo safarro aan kala joogsi ugu baxo dalalka Shisheeye.

Socdaal aan horey loo sii shaacin ayuu Xasan Gurguurte uu maanta ku tagay dalka Uganda, waxaana sida lagu soo warramayo caasimadda dalkaasi ee Kampala uu kulamo kula leeyahay baadariga madaxweynaha ka ah dalkaasi ee Yuweeri Musavani.

Ilo-wareedyo ayaa tibaaxaya in murtad Xasan Sheekh Maxamuud uu qorshaystay in Yoweri Museveni uu ka codsado taageero millatari oo ku aaddan sidii loo hakin lahaa taqadumka mujaahidiinta oo haatan kaabiga ku haya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxa la is-weydiinayaa waxa uu ku kordhin karo Baadari Yuweri Musaveni maadaama Uganda ay ka mid tahay dalalka ugu askarta badan hawl-galka AUSSOM, horeyna safka hore kaga jirtay dalalka ciidamada ugu badan ka qayb-qaatay duullaanadii kan ka horreeyey ee mujaahidiinta Al-Shabaab afka dhulka u geliyeen ee ATMIS iyo AMISOM.

Xasan Gurguurte ayaa wajigabax iyo faro marnaan kala soo laabtay safar kan ka horreeyey oo dhawaan uu ku tagay dalka Turkiga, kuna codsaday in la siiyo taageero dheeraad ah oo millateri, taas oo sida la sheegay madaxweynaha Turkigu uu codsigaasi ka biyo-diidday.

Qayla-dhaanta kasoo yeeraysa Gurguurte iyo kooxdiisa ayaa aad isu soo taraysa tan iyo intii ay kordheen gulufka xooggan ee mujaahiidinta Al-Shabaab ay ka wadaan guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan labada Shabeelle, isla markaana kusii siqaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.