Murtad Cirro oo Maanta u Duullay Addis Ababa Xilli Murtad Gurguurte uu Halkaasi Joogo.

Oct 14, 2025

Wefti uu hoggaaminayo murtad C/Raxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) oo ah madaxa maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland ayaa saaka safar deg-deg ah ugu ambabaxay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, kadib socdaal uu muddo labo usbuuc ah ugu maqnaa Imaaraadka Carabta oo shalay uun uu kasoo laabtay.

Sida uu warbaahinta u xaqiijiyey afhayeenka madaxtooyada Riddada Somaliland, socdaalkan ayaa yimid kadib martiqaad rasmiya oo ay ka heleen dawladda Xabashida Itoobiya. Waxaana weftigan ka mida xubno wasiirro ah oo qaarkood ay horey usii tageen magaalada Addis Ababa.

Wasaaradda Arrimaha dibedda ee maamulka riddada Somaliland oo luuqadda amxaariga kaga warbixisay safarka Cirro ee Itoobiya ayaa sheegtay in tallaabadani ay tahay mid labada dhinac kaga wada-hadli doonaan arrimo la xiriira amniga iyo xaaladaha gobolka.

Socdaalkan oo ah kii ugu horreeyey ee Cirro ku aado Itoobiya tan iyo intii uu qabtay hoggaanka maamulkaasi, ayaa abuuri doona wax lagu sheegay jihada cusub ee iskaashi ee isku xiraya Addis Ababa iyo Hargeysa, sida lagu xaqiijiyey bayaankan lagu qoray af-amxaariga ee kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

“Booqashadan ma aha oo keliya arrin diblomaasiyadeed oo rasmi ah, balse waxay xambaarsan tahay fariin muujinaysa xiriirka qotoda dheer ee labada dhinac, waxayna calaamad u tahay dhisidda mustaqbal wada-jir ah oo ku salaysan rajo iyo amni oo gobolka Geeska Afrika ah.” ayaa lagu yiri qoraalkan oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maamulka Ridda Somaliland ku faafisay barteeda Facebook.

Safarka Murtad Cirro ayaa kusoo aadaya iyadoo maalin ka hor magaalada Addis Ababa ay kulan fool-ka-fool ah ku yeesheen R/wasaaraha dawladda Xabashida Itoobiya Gaal Abiy Axmed iyo madaxa kooxda Villa Somaliya Murad Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan oo ahaa mid xogtiisa aad loo qariyey ayaa goor dambe Wakaaladda Wararka Itoobiya ay faahfaahin ka bixisay wada-xaajoodkaasi dhex-maray Xasan Gurguurte iyo Abiy Axmed, waxaanay sheegtay in kooxda Riddada Somaliya ay taageertay doonista Itoobiya ee Badda Cas.

Ilo-wareedyo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in kulanka Gurguurte iyo Abiy ay sidoo kale ku weheliyeen xubno kale oo ka socday dawladda Riddada ee Imaaraadka Carabta. Halkaas oo lagu gorfeeyey qabashada fadhi gaar ah oo la isugu keenayo Cirro iyo Gurguurte.

Waxa kale oo kulankaasi saddex-geesoodka ah lagu jeex-jeexay sidii kooxda Riddadu ay u aqbali lahayd heshiiskii xaaraanta ahaa ee Biixi iyo Abiy ay horey u kala saxiixdeen, iyadoo kooxda Villa Somaliyana loo ballan-qaaday in loo fasixi doono dhaqaalihii Imaaraadku uu siin jiray. Waxaanay warar hoose oo weli aan la xaqiijin ay sheegayaan in dhammaan qorshayaashaasi uu aqblay murtad Xasan Sheekh Maxamuud.