Muqaawamada Falasdiin oo soo Afjaray Maleeshiyaad Indha u ahaa Ciidankii Yahuudda ee Qaza.

Oct 14, 2025

Xilli uu dhaqangalay wejiga 1aad ee heshiiskii xabad joojinta ee magaalada Qaza ayay xoogagga muqaawamada falasdiin burburiyeen shabakado dabadhilifyo ah oo gummeysiga yahuudda la shaqeynayay labadii sanadii ee lasoo dhaafay.

Wararka ka imaanaya falasdiin ayaa sheegaya in howlgal ballaaran oo ay sameeyeen xoogagga muqaawamada ay kusoo afjareen kooxo calooshood ushaqeystayaal murtadiin ah oo wada shaqeyn lahaa ciidamada Sahaayinada.

Howlgalladan oo ka dhacay xaafadihii ay baneeyeen ciidamada Yahuudda ayaa lagusoo qabtay laguna dilay inkabadan 60 dabadhilif oo Yahuudda indha u ahaa, saraakiisha muqaawamada ayaa warbaahinta usheegay in ay dileen dhowr kamid ah mujrimiintan oo maalmihii lasoo dhaafay dilal ugeysanayay shacabka barakacayaasha ah ee dib ugusoo laabanayay guryahooda.

Sidoo kale maleeshiyaadkan indhaha u ahaa cadowga ayaa toogasho ku dilay weriye caan ka ahaa Qaza oo soo tebin jiray gabood fallada cadowga, wararka ayaa intaas ku daraya in qaar kamid ah maleeshiyaadka ay isdhiibeen kadib markii ay ciidanka gaalada yahuudda diideen in ay la insixaabaan.

Mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha Qaza waxay iclaamiyeen in murtazaqada kuwooda aan falal dambiyeedyada gurrucan ku lug lahaan lasiiyay fursad ay iskusoo dhiibi karaan illaa iyo maalinta Axadda ee isbuuca dambe balse howlgalkii shalay dhacay ayaa lagu xaaqay kooxdan Yahuudda ushaqeynayay.

Maleeshiyaadkan oo Yahuuddu ay qoratay ayaa qeyb ka ahaa xasuuqii magaalada Qaza waxaana ku ugaaran jiray Sahaayinada waxaase ku dhacay hoog markii ay ciidanka Yahuudda ay meel cidla ah uga tageen xoogagga muqaawamaduna beegsi ku billaabeen.